Barack Obama oo u sheegay Maxamed Mursi in uu ka Walaacsan Yahay Waxyeelaynta Dadka Banaanbaxa Dhigaya
December 9, 2012 - Written by Editor
Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa Madaxweynaha Dalka Masar Maxamed Mursi kala hadlay xaalada dalkiisu ku jiro, isla markaana u sheegay sida ay Washington uga welwelsan tahay rabshadaha iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalkaas, taas oo Obama xusay in ay aad uga xun yihiin, in dadka mudaharaadka dhigaya dhibaato soo gaarto oo dhimasho dhacdo.
Sida aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka sheegay, Madaxweyne Obama ayaa khadka telefoonka kula xiriiray, dhigiisa dalka Masar Maxamed Mursi ka dibna u sheegay in wada hadal deg deg ah laga galo xaalada ka taagan dalka Masar si loo soo afjaro dhibaatooyinka iyo qalalaasaha siyaasadeed.
Obama waxa uu dhamaan hogaamiyayaasha siyaasada ee dalka Masar ugu baaqay in miiska wada hadalada ay isugu yimaadaan isaga oo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay rabshadaha iyo khasaare soo gaara shacabka reer Masar.
Sida bayaanka aqalka cad lagu sheegay waxa uu Obama aad u soo dhaweeyay wada hadalada iyo kulanka uu madaxweyne Mursi ku baaqay in Mucaaridka iyo kooxaha siyaasadu isugu yimaadaan, waxaanu si wayn u booriyay in xal deg deg ah laga gaaro arrinta taagan iyo muranka dastuurka la xiriira.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama waxa uu ugu danbayntii fariin toos ah gaarsiiyay shacbiga reer Masar oo uu ugu baaqay, in ay is dejiyaan oo arrinta dhulka dhigaan, isla markaana u soo jeestaan wada hadalo sidii looga gali lahaa muranka taagan.
Xuskii 18 May Ee Wadanka Turkiga & Wacdarahii ka Dhacay ıstanbul May 24, 2013
Munaasibadan balaadhan ee lagu xusayey sanad guuradii 22aad ee kasoo wareegtay maalintii lagu dhawaa |
Heshiisyada Caalmiga Ah Ee Shidaalka Iyo Calaamatu Su’aal Saaran Qaabka Xukuumadda Somaliland U Maamushay Khayraadka Dalka May 24, 2013
Xukuumadda Somaliland ayaa heshiisyo dhinaca Shidaalka ah la gashay ashkhaas iyo shirkado |
Labadii oday ee ILA-EEG iyo KULA-EEGAY maanta eegaya wadankii ummada Somaliland ka dhexeeyey oo isu bedeley wadankii SNM. May 23, 2013
ILA-EEG: Illaa intii xukuumadan Kulmiye talada la wareegtay waxaa si toosa usoo noolaaday |
Madaxweynaha Somaliland Oo Shaaciyay Inaan la Qaadi doonin Xayiraadda Duulimaadyada UN-ka May 23, 2013
Hargeysa (Somalilandfuture)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cadeey |
|
Taariikh Nololeedkii Sheekh Cali Xaaji.Ibraahim. May 23, 2013
SHEEKH CALI XAAJI IBRAAHIM XIRSI 1905 ------1984 16/may/2013 |
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Site stats |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||



