Afhayeenka AMISOM iyo Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay Qabsashada Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellad Dhexe
December 9, 2012 - Written by EditorAfhayeenka AMISOM iyo Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay Qabsashada Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellad Dhexe
Jawhar(Somalilandfuture)Afhayeenka AMISOM ayaa xaqiijiyay in AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, sidoo kale afhayeenka Al-shabaab ayaa isaguna sheegay inay xeelad dagaal uga baxeen Jowhar.
Jawhar(Somalilandfuture)Afhayeenka AMISOM ayaa xaqiijiyay in AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, sidoo kale afhayeenka Al-shabaab ayaa isaguna sheegay inay xeelad dagaal uga baxeen Jowhar.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay gudaha u galay degmadaas oo ay isaga baxeen xoogaggii Al-shabaab, waxaase qaraxyo waaweyn ay ka dhaceen saldhigga booliiska iyo buundada degmada iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
“Saakay ayaan la wareegnay gacan ku haynta degmada Jowhar; hadda waxaa lagu jiraan sugidda ammaanka,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo la hadlay warbaahinta, isagoo intaas ku daray: “Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isbarbar-socda ayaa galay degmada, waxaa dhacay dagaal kooban.”
Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa isaguna u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inay xoogaggoodu ka baxeen degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe, isagoo ka bixitaankooda ku sheegay xeelad dagaal.
“Dagaalyahannadeenna xeelad dagaal ayaa uga saarnay Degmada Jowhar,” ayuu yiri Abuu-Muscab, isagoo intaas ku daray: “Cadowga waxaan ku ugaarsan doonnaa gudaha iyo dibadda Jowhar.”
Taliyaha guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa qabshada degmada Jowhar ku tilmaamay arrin weyn, isagoo sheegay inay la wareegeen saldhig weyn oo ay Al-shabaab ku lahayd bartamaha Soomaaliya.
“Qasashada degmada Jowhar waxay nagu hoggaaminaysaa inaan sugno ammaanka dadka ku nool gobollada Hiiraan iyo Shabeellooyinka,” ayuu yiri taliyaha AMISOM, Jen. Gutti. “Ciidamadeenna isku dhafka ah hadda waxay gudaha degmada ka sameysteen difaacyo, dadkana degmadana waxaan ugu baaqaynaa inay is-dejiyaan.”
Dhanka kale, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay degmada Mahadaay ee Shabeellada Dhexe oo dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar, iyadoo taasina ay u sahashay ciidamada dowladda iyo kuw AMISOM inay qabsadaan garaoonka diyaaradaha ee Jowhar oo dhinaca waqooyi ee degmadaas ku yaalla.
Ciidamada AMISOM ayaa waxay horay uga qabsadeen degmooyin ay Al-shabaab awood badan ku lahayd, kuwaasoo ay ka mid tahay Kismaayo oo ahayd saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku lahaayeen Koonfurta Soomaaliya.
Wariye Siciid Xuseen Yuusuf
Somalilandfuture Hargeysa
Siciid4@yahoo.com
TeLL 25224461316
Haweenay Mareykan ah oo hore loogu Afduubtay Soomaaliya oo ka warantahay hawulgalkii lagu soo furtay May 25, 2013
Haweeney u dhalatey dalka Mareykanka oo ay ciidamada dalka Mareykanka ka soo furteen kooxo Soomaaliy |
Ururka Saxaafadda Somaliland oo ka hadlay xeer Anshax marin ah oo ay la Saxiixdeen Xukuumadda Somaliland May 25, 2013
Hargeysa(Somalilandfuture)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sheegay in aanay ku dhaqmi d |
Rabshadii Dhowaan Lagu Dhaawacay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac Oo Go’Aamo Laga Gaadhay. May 25, 2013
Ceerigaabo(SLF)- Dhowaan ayay ahayd kolkii dablay hubaysani ay badhtamaha suuqa ceerigaabo ku dh |
Xuskii 18 May Ee Wadanka Turkiga & Wacdarahii ka Dhacay ıstanbul May 24, 2013
Munaasibadan balaadhan ee lagu xusayey sanad guuradii 22aad ee kasoo wareegtay maalintii lagu dhawaa |
Heshiisyada Caalmiga Ah Ee Shidaalka Iyo Calaamatu Su’aal Saaran Qaabka Xukuumadda Somaliland U Maamushay Khayraadka Dalka May 24, 2013
Xukuumadda Somaliland ayaa heshiisyo dhinaca Shidaalka ah la gashay ashkhaas iyo shirkado |
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Site stats |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||




